Is-faham la’aanta u dhexeysa SSC-Khaatumo iyo Puntland – Fursad dahabi ah oo u baahan aragti wanaagsan.SSC-Khaatumo waxay muddo dheer ahayd degaan ay dadkiisu ku dadaalayeen in ay helaan maamul u gaar ah. Inkasta oo ay mar wadajir ula halgameen Puntland, maanta waxaa muuqata in labada dhinac ay kala aragti ka yihiin mustaqbalka siyaasadeed ee SSC. Maanta SSC-Khaatumo waxay rabtaa inay noqoto dowlad-goboleed madax-bannaan oo si toos ah uga tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo ay durba xiriir toos ah la yeelatay.
Markii ay guulo ka gaareen dagaalkii ay la galeen Somaliland, SSC waxay heshay taageero ballaaran oo dadkeeda ah iyo aqoonsi siyaasadeed. Xukuumadda Puntland se arrintaas si wanaagsan ugama jawaabin, maaddaama ay weli u aragto SSC qayb ka mid ah maamulka Puntland. Waxaa muuqata in Puntland ka welwelsan tahay in arrintaasi ay dhaawacayso saameynteeda siyaasadeed.
Waxaa jira dhowr sababood oo keentay is-faham la’aanta:
- SSC waxay rabtaa inay madax-bannaani buuxda hesho, Puntlandse wali waxay u aragtaa SSC inay ka tirsan tahay.
- Dowladda Federaalka ayaa si toos ah ula macaamilaysa SSC, taasoo Puntland u aragto in nidaamka federaalka la jabiyay.
- Inkasta oo ay jiraan xiriirro walaaltinimo iyo dhaqan, hadana siyaasadda ayaa dhaawacday kalsoonidii iyo wada-shaqeyntii hore.
Si kastaba ha ahaatee, SSC-Khaatumo maanta waxay haysataa fursad taariikhi ah: waxay leedahay taageero dadweyne, difaac wanaagsan, iyo xiriir siyaasadeed oo heer qaran ah. Si ay fursaddan uga faa’iideystaan, waa inay ka fogaadaan khilaafyada gudaha iyo muran aan laga maarmin.
Ugu dambeyntii, SSC iyo Puntland waa inay yeeshaan wadahadal furan, is-ixtiraam, iyo faham qoto dheer. SSC waa inay mideysato dadaalkeeda si ay u gaarto yoolkeeda, Puntlandna waa inay la qabsato xaqiiqooyinka cusub ee ka jira SSC, si walaaltinimada iyo horumarka gobolka loo ilaaliyo.
Xarunta cilmi barista:
Isha Peace and Governance Institute (ishapeace.org)
Laas-Caanood, SSC-Khaatumo, Soomaaliya.
Ingen kommentarer:
Legg inn en kommentar