Laas-caanood, Sabti, 26-ka.abriil.2025:
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga ayaa 7-dii Maarso 2024 magaalada Istanbul ku kala saxiixday heshiis ku saabsan sahminta iyo soo saarista shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Soomaaliya. Heshiiskan oo si rasmi ah loo shaaciyey 22-dii Abriil 2025, ayaa faahfaahinaya xuquuqaha iyo waajibaadka labada dhinac. Heshiiska wuxuu qeyb ka yahay istaraatiijiyadda Turkiga ee ballaarinta xiriirka Afrika, iyadoo Soomaaliya loo arko waddan muhiim u ah sababtoo ah xeebta dheer iyo kheyraad dabiici ah oo aan wali la adeegsan.
Muxuu heshiisku dhigayaa?
- Turkiga wuxuu heli doonaa 90% shidaalka uu soo saaro sanad kasta, si uu uga bixiyo kharashaadka sahminta iyo soo saarista. Tani waxaa lagu magacaabaa "cost recovery".
- Soomaaliya waxay heli doontaa 5% (lacag ama shidaal ahaan), taasoo ah qayb aad u yar marka loo eego caadooyinka caalamiga ah ee la midka ah.
- Turkiga ma bixinayo wax lacag ah markii heshiiska la saxiixayo, sida lacagta saxiixa, horumarka ama kharashaadka maamulka.
- Turkiga wuxuu xor u yahay inuu shidaalka ama gaaska dhoofiyo, oo uu dakhligaasi si buuxda u qaato, iyadoo aan Soomaaliya si toos ah uga qeyb galin dhaqaalaha laga helo shidaalkaas.
- Shirkadaha Turkiga uma baahna in ay xafiisyo ka furtaan Soomaaliya, waxayna awood u leeyihiin in ay xuquuqaha ay helaan ku wareejiyaan cid kale, iyagoo aan dhanka dowladda Soomaaliya laga xisaabtamin.
- Haddii muran yimaado, waxaa lagu xallinayaa maxkamad caalami ah oo ku taalla magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Maxaa faa’iido ah oo Soomaaliya ka heli karta?
- Soomaaliya waxay heli kartaa maalgashi, shaqo-abuur iyo khibrad teknoolojiyeed.
- Waxaa suurtagal ah in Turkiga uu kaalmo ka siiyo dhismaha ciidamada badda iyo sugidda amniga xeebaha.
- Xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa sii xoogeysan kara.
Maxaa khasaaro ah oo ku jira?
- Qaybta Soomaaliya ka helayso shidaalka oo aad u yar marka loo eego kheyraadka laga faa’iideysanayo.
- Turkiga ayaa si buuxda u maamuli doona dakhliga shidaalka, iyadoo aan Soomaaliya waxba loo soo bandhigin xisaab ahaan.
- Soomaaliya ma awooddo in ay si madax-bannaan u xalliso khilaafaadka, maaddaama lagu xallinayo gudaha Turkiga.
- Ma jirto nidaam sugan oo xaqiijinaya mas’uuliyadda shirkadaha Turkiga iyo ilaalinta deegaanka.
Gunaanad: Heshiiskan wuxuu Soomaaliya siin karaa fursad ay ku hormariso dhaqaalaha, balse sidoo kale wuxuu xambaarsan yahay halis weyn oo ku saabsan madax-bannaanida maamul iyo kheyraad. Waxaa muhiim ah in dowladda Soomaaliya ay dib u eegto heshiiska, oo ay hubiso in danaha qaranka laga ilaaliyo wax kasta oo dhaawici kara mustaqbalka dhaqaalaha iyo madax-bannaanida kheyraadka dabiiciga ah.
Diyaariye: Faysal C/raxmaan Cali-Gaas
Xarunta cilmi barista: Isha Peace and Governance Institute (ishapeace.org)
Laas-Caanood, SSC-Khaatumo, Soomaaliya.
Ingen kommentarer:
Legg inn en kommentar